Baydhabo,(insidesomalia.org)-Ra段isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Nuur Cadde ayaa oo maanta kahor hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay in la isku afgartay in la badalo Maamulkii Gobolka Banaadir oo markii hore sababay khilaafka Madaxda ugu sareysa dowladda.
Kadib muddo 10-maalmood ah kulamo Madaxweynaha iyo ra段isal wasaaraha Soomaaliya lagu dhex dhexaadinayay ay kasocdeen magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa Ra段isal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde) oo maanta kahor hadlayay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee kushirsanaa Xarunta ADC-da ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ay isku afgarteen in Maamulkii Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) laga qaado xilkii uu ka hayay Gobolka Banaadir.
Ra段isal wasaaruhuwaxa uu sidoo kale tilmaamay in isaga iyo Madaxweynaha ay isla garteen in guddiyo loo xilsaaro dhisidda Maamul Cusub oo loo sameeyo Gobolka Banaadir.
Dhanka kale ra段isal wasaare Nuurcadde waxa uu sheegay in 5-wasiir oo cusub lagu dari doono Xukuumaddiisa si loo dardar geliyo hawlaha dib u heshiisiinta oo ay xoogga saartay xukuumaddiisa.
Hadalka Ra段isal wasaare Nuur Cadde ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli toban maalmood kadib khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha ay dowladda Itoobiya kusoo qancisay in xilkii laga qaado Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir iyo in Golaha wasiirada Xukuumadda Nuurcadde lagu daro Xubno Cusub.